Monday, July 14, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “Inuusan Farmaajo damqasho iyo damiir naxariis lahayn waxa daliil cad u ah..”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si kulul u dhaliilay sida uu Madaxweyne Farmaajo uga aamusay dadkii xalay lagu laayey qarixii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qoraal adag ayuu Mahad Salaad ku yiri: “Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxariis in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro! .”

Wuxuu sheegay in dhalinyarrada Da’yarta ah ee cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay aanu ilaa hada Farmaajo tacsi u dirin, masiibada dhacdayna aanu soo hadal qaadin. “Sida muuqata dadka Xamar ku nool waxa isku bahaystay cadow farabbadan oo hal ujeedo leh lkn wadada loo marayo iyo magaca la adeegsanayo ay kala duwanyihiin. Dadkaan Cidna uma Maqna Ceelna uma Qodna ee hurdada halaga kaco si hambada hartay loo badbaadiyo.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Mahad Salaaad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo dheer lagu eedeynayey inuusan ka hadlin qaraxyada Muqdisho iyo dadka ku waxyeelooba, inkastoo uu tacsi degdeg u diro qaraxyada ka dhaca Yurub iyo Carabta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON