Monday, July 14, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad oo si adag uga hor yimid xukunkii lagu riday Askarigii dilay Wasiir Cabbaas [Akhriso]

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hor yimid xukunkii lagu riday askarigii dilay wasiirkii howlaha Guud ee Soomaaliya.

Askarigan ayaa shalay maxkamadda Ciidamad Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah, waxaana uu ka mid ahaa ciidamada Badda Soomaaliya, isagoo ilaalo u ahaa hanti dhowrkii guud ee dowladda ee xilka laga qaaday.

Xildhibaan Mahad Salaad oo hore u soo noqday wasiiru dowlihii Madaxtooyada dowaldii Xasan Sheek wuxuu bartiisa soo dhigay qoraal uu ku sheegay inuusan xukunkaasi waafaqsaneyn shareecada islaamka.

Xildhibaanka ayaa ka mida siyaasiyiinta ku kacsan dowladda Farmaajo, inkastoo uu si weyn u taageeray xukuumadda Kheyre, haddana waxay heyb ahaan is xigaan askariga iyo hanti dhowrihii xilka laga qaaday.

HOOS KA AKHRI FARRIINTA XILDHIBAANKA

Dad Muslimiin ah ayaan nahay. Islaamkuna waa Diinta Dawladda. Hay’adaheena Garsoorkuna sooma saari karaan go’aamo aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka iyo Maqaasiiddeeda. Sida ku cad Qodobka 2aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya.
Ninkaani si aan ulakas ahayn ayuu ku dilay walaalkeen Wasiir Abbas Siraaji AUN sida maxkamada laga hor cadeeyay. Dadkii uu ka dhashayna diyaar ayay u ahaayeen inay la xaalaan Eheladii Wasiir Abbas Siraaji.
Hadaba waxaa iga su’aal ah xukunka lagu riday wiilkaan maxaa daliil sharci ah oo loo cuskaday?!
ما حكم القتل الخطأ ؟ وماذا يجب على القاتل ؟
قال الله تعالى: (وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ أَن يَقْتُلَ مُؤْمِنًا إِلاَّ خَطَئًا وَمَن قَتَل َمُؤْمِنًا خَطَئًا فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ وَدِيَةٌ مُّسَلَّمَةٌ إِلَى أَهْلِهِ). إلى قوله تعالى: (فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ تَوْبَةً مِّنَ اللّهِ وَكَانَ اللّهُ عَلِيمًا حَكِيمًا) [النساء: 92].

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON