Friday, June 27, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad oo si Kaftan ah u weeraray Xildhibananada wada Mooshinka Jawaari [Akhriso]

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si kaftan leh uga hadlay shirarka ay magaalada Muqdisho ka wadaan xildhibaannada wada mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

“Kulahaa “197 Xildhibaan” ayaa maanta iskugu yimid kulankii qadada ahaa ee ay soo agaasimeen Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre!. Waxaan ugu bishaareynaynaa saaxiibadeen in Gudoomiye Jawaari aqbalay in cod loo qaado. Tirada ay u baahanyihiina ay tahay 184 cod oo kaliya..” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kaftan ah ku weeray

Xildhibaanka ayaa talo kale u jeediyay xildhibaannada ka soo horjeeda Jawaari isagoo yiri: “Saaxiibo yaalow intaad iska dhaaftaan buula-xuuftada qadooyinka, shirarka jaraa’id iyo nambarada beenta ah ee la isku dhufsanayo mooshinkiina miiska soo saarta, noona ogolaada inaan cod ku kala baxno. Maadaama tiradii aad u baahnaydeen mid ka badan aad haysataan sida aad isku sheegteen… HADII KALE SAAXIIBO YAALOW MASAAJIDKA CIYAARTA KA DAAYA!

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON