Monday, July 7, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad oo weerar afka ah ku qaaday Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida Baaralmaanka Federaalka ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo uu ku eedeeyay inuu afduubtay Golaha Shacabka.

Farriinta uu baraha bulshada soo dhigay Mahad Salaad ayaa ka dambeysay qoraal kasoo baxay Mahad Cawad oo ku saabsanaa beenin iyo in tallaabo laga qaado website ku eedeeyay inuu laaluush ka qaaday xukuumadda, kaasoo ay leeyihiin kooxda mucaaradka ee xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

“Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka inta ku kacay ficiladdii iyo habdhaqankii foosha xumaa ee lagu afduubay Golaha Shacabka iyo Gudiga Maaliyada maalintii Sabtiga 24/11/2018 in hadana uu isku dayo in uu handado warbaahinta madaxa banaan waxay gaf labaad ku tahay sharafta iyo karaamada gudoonka Golaha Shacabka…” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ugu baaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu qabsado mas’uuliyadii loo doortay kana jawaabo xad gudubka iyo gafafka uu ku kacayo gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka.

Mahad Salaad ayaa dhinaca kale raaligelin siiyay warbaahina isagoo qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan ka raali galinaynaa umadda Soomaaliyeed ee wakiilka aan ka nahay iyo warbaahinta madaxa banaan gafafkaan uu ku kacay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka…”.

Xildhibaan Mahad Salad ayaa ka mida Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, balse aan ka hadlin fadhigii Sabtida ee xubnaha Guddiga ay ka hadlayeen warbixinta, kuna kal qeybsameen, waxaana muddooyinkii danbe uu u muuqday inuu ciyaarayo kaaln dhexdhexaadnimo ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON