Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida Baarlamaanka Federaalka ayaa dowladda Soomaaliya u jeediyey dhaliil kulul oo ku saabsan sii deynta Sarkaalka ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.
Xildhibaanka oo ka mida mucaaradka ugu waaweyn ee ku kacsan madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Qalbi dhagax oo argagixiso ay ku qoreen dowladda Soomaaliya ay haddana sheegtaan inay codsadeen sii deyntiisa.
HOOS KA AKHRSO QORAALKA
Shalay markii ay dhiibeen Abdikariim Qalbi Dhagax Madaxweynaha Killinka Shanaad ayay dhaheen hadal oo na furo, heshiis iyo wada hadal ayuuna isku soo dhiibay dheh. Waana ku ceeboobeen!
Maanta Safiirka Itoobiya ayay dhaheen hadal oo na furo oo sheeg in dowlada Soomaaliya ka codsatay dowlada Itoobiya in la sii daayo Abdikariim Qalbi Dhagax. Xitaa si ay hadalka ugu quruxsadaan waa garan waayeen marka hore ka saara liiska aragagixisada ee aad ku qorteen markii Itoobiya loo dhiibayay. Waana ku ceeboobeen!
Shalay ONLF waa urur argagixiso ah ayay dhaheen, Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka dhiidhiyay oo ku diiday yirina urur agagixiso ma’ahan ee waa urur gobonimo udirir ah, maantana Barlamaanka Itoobiya ayaa u marqaati furay Barlamaanka Soomaaliya oo yiri waa urur siyaasadeed oo xaq udirir ah. Waana ku ceeboobeen!
Haddaba, hadii Abdikariim kii ay shalay dhaheen waa agagixiso oo amniga iyo xasiloonida geeska Afrika ayuu halis ku yahay ay arkaan maanta isaga oo xor ah. Hadii Ururkii ONLF ee shalay ay dhaheen waa argagixiso maanta la yiri waa urur siyaasadeed oo xaq udirir ah, laguna abaalmariyay in Itoobiyada cusub siyaasadeeda ay hormuud u noqdaan.
Tolow malaga yaabaa in madaxdeenu isceebsadaan oo beenta iyo propagandada inta iska dhaafaan umadda cafis weydiistaan?!
Hon. Mahad Salad