Friday, June 27, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “Xaaf wuxuu ku joogaa Jidkii C/kariin Guuleed ku baxay..” [Digniin culus]

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaanada Golaha Shacabka ee Federaalka ayaa ka digay in maamulka Galmudug uu qarka u saaran yahay burbur iyo kala tag.

Wuxuu sheegay in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu ku joogo wadaddii uu ku baxay ninkii ka horeeyay ee C/kariim Guulleed, isagoo ka dardaar weriyay xaaladda ay ku sugan tahay Galmudug.

“Dadka Galmudug waa dad lagu yaqaano qab iyo yaan dhinacaaga dhulka la dhigin. Waana mida indhaha aan leenahay maanta noo yeeshay. Madaxweyne Xaafna sidii Abdikariim Gulled inuusan tanaasulin ayaa suurogal ah. Haddii sidaasi wax u dhacaanna waxaa dhici karta in ay adkaato in dib danbe la isugu yimaado oo xuduudihii: Galmudug tii Gaalkacyo, Ximin iyo Xeebtii Cadaado iyo Ahlu Sunadii Dhuusamareeb oo markii horeba maqneed dib loogu laabto!..” ayuu ka digay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mida xildhibaannada laga soo doorto Galmudug.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad

Isagoo la hadlayay siyaasiyiin uu sheegay in Villa Somalia laga hagayo ayuu yiri: “Kursigu waxa uu micno ku leeyahay dad iyo degaan aad ku xukunto inuu leeyahay ee kursi sidii kii garabka lagu sito oo shirarka looga qayb galo micno yeelan maayo ee taariikh xumo haka taginina, masiirka dadkiina ha-u-baabi’inina dan shaqsiyadeed ee hadii aadnan wax ku kordhinayn Galmudug wax ha-u-dhibinina!”

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanno badan ay wadaan mooshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha Galmuduug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo muddo kooban hadda xilka haya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON