Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Muno Kay oo shaacisay in Gaarigeeda la weeraray iyo Darawalkeedii oo la dhaawacay [SAWIRRO]

Xildhibaan Muna Sheekh Khaliif Abuu (Muna Kay) oo ka mida xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shaacisay sawirro muujinaya bubur ku dhacay gaarigeeda iyo weerar lagu qaaday.

Sawirro ay ku faafisay boggeeda Snapchat-ka ayaa muujinaya burbur weyn iyo dhiig ku xardhan Gaariga, mana cadda inay la socotay gaariga iyo inkale. Weerarka ayaa sida muuqata ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna qoraal kooban ku sheegay sheegtay in darawalkeedii uu dhaawac yahay isbitaalkana la dhigay. Waxa faahfaahin ah kama bixin sida weerarku u dhacay, qaabka weerarku ahaa iyo sida wax u dhaceen midna. Wax kaloo muuqata in falku dhacay xili hore oo maanta ah ama xalay.

Muna Kay oo ah haweeney caan ku ah dharka Fashion-ka iyo is qurxinta dumarka ayaa ka mida haweenka soo galay Baarlamaanka. Waxaa gaariga ka muuqda dhiig iyo calaamado rasaas ku dhacday.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON