Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si kulul uga hadlay dhagxaan xalay lagu xiray qeyb ka mid isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, isagoo eedeyn u jeediyey Madaxweynaha waqtigiisii dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Markii ciidamadii dhan aad Gedo isugu gayso Xamarna aad isgoyska ‘Dabka’ difaac ka gasho waa sidaan oo kale. Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxaan ka codsanaynaa inuusan nolosha dadka ku cadaabin, si fududna Villada isaga banneeyo maadaama shaqadiisii afar sano ay meeshaas ku soo dhamaatay..” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo farriin u diray Farmaajo.
Isgoyska DABKA oo shalay uu xoog ku maray Gaari qaraxyo sida, kadibna ku qarxay meel ku dhow Isgoyska Sayidka ayaa xalay lagu xiray dhagxaan waaweyn oo keenay inay isu gudbi waayeen gaadiidka isaga goosha labada dhinac ee jidka Maka Almukarama, waxaana ka dhashay ciriiri badan oo dadku ka qeyliyeen.
