Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan Odowaa: ” Suurogal maaha in dadka Farmaajo u banaanbaxa Tikniko lagu ilaaliyo, kuwa kalena lagu weerarro”

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa cambaareeyay in ciidamada dowladda ay rasaas u adeegsadaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo bannanabax cabasho ah dhigayey.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Dastuurka Dowladda Federaalka uu damaanad qaadayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay cabashadooda iyo taageeradooda ku cabiri karaan isu soo bax nabadeed, isagoo ku baaqay in si degdeg ah xoriyadooda loogu soo celiyo dadka uu sheegay in si sharci darro ah lagu xiray oo uu ka mid yahay Cusmaan Cariif, Guddoomiyihii hore ee dagmada Cabdicasiis.

“Waxaan cambaareynayaa in rasaas nuucyadeeda kala duwan loo adeegsado muwaadiiniin si nabad ah isugu soo baxey maanta magaalada Muqdisho. Suuro gal maahan in dadweynaha MW Farmaajo u soo banaan baxa in gaadiidka ciidanka lagu waardiyeeyo, kuwa cabashada muujiyana lagu weeraro..” ayuu yiri Xildhibaan Odowaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON