Sunday, February 5, 2023

Xildhibaan Qeylo-dhaan kasoo saaray Qaabka loo ansixiyo Sharciga la keeno Golaha Shacabka

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabka loo maray ansixinta Hindise Sharciyeed shalay la marsiiyay Golaha Shacabka.

Qoraal culus oo wata qeylo dhaan iyo ka deyrin hoggaanka Guddoomiyaha Golaha Shacbaka ayuu xildhibaanka uga xog warramay qoraalkiisa, wuxuuna ku bilaabay:

“Baarlamanaka Shalay oo Sabti aheyd 14-ka Jannaayo kulanka Gollaha shacabka ajendihiisa waxaa ugu horreeyay aqrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman sida ku cad fariintii loo diray xubnaha Gollaha Shacabka iyo qoraalka Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Gollaha Shacabka ee halka hoose ku lifaaqan.

Ad

Sida ku cad Xeer Hoosaadka Gollaha Shacabka qodobkiisa 84-aad sharci kasta waa inuu maraa sadax aqrin ka hor ansixintiisa (Fiiri lifaaqa hoose ee Xeer Hoosaadka Gollaha Shacabka )

Haddaba iyada oo shalay ay aheyd aqrintii labaad oo lixdameeyo Xildhibaan ay Golllaha ku hareen, kooram sharci ansixin karaa aanu fadhiyin waxa uu guddoonkii shirka ku dhawaaqay in sharcigii Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman la ansixiyay aqrin sadaxaad iyo kooram ku filan midna aan loo baahneyn.

Baarlamaanka waa cunsurka koowaad ee dowladnimada ,waana halkii la rabay in laga toosiyo ku xadgudubka shuruucda iyo korjoogteynta hey’adaha fulinta. Waxaa muuqata sharciyo kale oo badan oo hadda Gollaha horyaalla oo liddi ku ah Dastuurka ,Diinta iyo Qawaaniinta kale ee dalku leeyahay in waddadan ay mari doonaan.

- Advertisement -

Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho, natiijada iyo maxsuulka ka dhalan kara sharciga oo la baal maro qof kasta oo weyn waa garan karaa. Dadka Soomaaliyeedna Allahooda ayay qabaan.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!