Tuesday, June 24, 2025

Xildhibaan saaxiib la ah Farmaajo oo Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ku eedeeyay Mucaaradnimo

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka mida saaxiibada ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Federaalka ku eedeeyay mucaarad isku baheystay inay siyaasadeeyaan howsha loo xil saaray.

Xildhibaan C/shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu ku weerarray xubnaha Guddiga Maaliyadda, isagoo ku tilmaamay inay ka tirsan yihiin kooxaha mucaaradka, wuxuuna ka dalbaday inay u keenaan caddeymo eedeymaha musuqa ah ee ay u jeediyeen dowladda Farmaajo.

“Inta badan xubnaha guddi hoosaadka maaliyadda ee Gollaha Shacabka waxay ka tirsan yihiin kooxaha mucaaradka waxeyna siyaasadeeyaan waajibkii gollaha shacabku u dirsadey. Eedeynta wax isdaba marin maaliyadeed waxey u baahan tahay cadeymo faah-faahsan si ciddii gashay loo helo”ayuu yiri Xildhibaan C/shakuur Mire oo dadka qaarkii ku tilmaamaan mid ka mida milkiilayaasha dowladda Nabad iyo Nolol.

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ayaa warbixin uu  dhowaan soo saaray ku faahfaahiyey lacago la waayey meel ay ka baxeen iyo qaar si xun loo maamulay sanadkan hadda socda ee 2018.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON