Thursday, June 26, 2025

Xildhibaan shaaciyey in Ciidamadii Danab laga soo celiyey Hiiraan, farriin culusna u diray…

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay dagaallada ka socda Gobolka Hiiraan ee Alshabaab awoodeeda isugu geysay iyo dhaliilo ka jirta dhinaca dowladda.

Xildhibaan Cabdinasair Xaaji Shirwac ayaa sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay Yasooman ay ku halaagsameen, balse ay culeyskooda ugu weyn saareen Gobolka Hiiraan, iyadoo aan wax dagaal ah ka socon aagaggiii kale.

“Dowladu waxay ku mashquushay Goobo kale oo aan dagaal ka socon, dadkoodiina diyaar ahayn… Hal Guuto ayaa Hiiraan joogta, waa in ciidamo badan la geeyo.. Ciidamadii Danab waa laga soo saaray, diyaaradihiina gaabis badan ayaa ka jira, kamana qeyb qaadan dagaalkii Jicibow, waa in dib loo soo celiyaa..” ayuu yiri Xildhibaan C/naasir Shirwac.

Xildhibaanka wuxuu weydiistay dowladda Federaalka inay wax ka bedesho qorshaha dagaalka, ayna gurmad Saanad iyo ciidan la geeyo Hiiraan, intii la isku mashquulin lahaa meelo aan wax dagaal ahi ka socon.

Wuxuu ku dhaliilay dowladda Federaalka inay ka gaabineyso dagaalkii ay ku dhawaaqday, wax aag dagaal ah oo aan ahayn Hiiraan ilaa hadda aan lagu furin Alshabaab, taasina ay keentay inay Alshabaab isugu yimaadaan Hiiraan, meel kasta oo laga saarayna ay dul taagan yihiin.

Madaxweynaha Hirshabelele ayuu ugu baqay inuu dhaqaajiyo aaggaga Gobolka Sh/Dhexe, wuxuuna sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay inuu xoojiyo dagaalka Hiiraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON