Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa shaaciyey in Gurigiisa hortiisa la dhigay ciidamada NISA oo ku hubeysan gaadiidka Dagaalka iyo Beebayaal si looga hor istaago inuu tago xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo hore u soo noqday wasiirkii Amniga Dowladii Xasan Sheekh ayaa qoraal muuqaal wata oo uu la qeybsaday wakiilada Beesha Caalamka ku yiri: “Saaka Gaadiidka dagaalka, gawaarida gaashaaman iyo ilaa 30 ciidamada NISA iyo kuwa Milateriga ayaa la dhigay agagaarka Gurigeyga, waxayna xireen dhammaan jidadka soo galaya Guriga..”
Xildhibaanka ayaa sheegay in arrintan loo sameeyay si loga hor istaago inuu ka qeyb galo kulanka Baarlamaanka ee maanta; wuxuuna sheegay dhaqaalihii iyo taageeradii ay intooda badan bixiyeen dalalka reer Galbeedka si loogu dhiso dowladnimada loo adeegsaday in lagu abuuro Keligiis-taliye.
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka mida 15-ka xildhibaan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka joojiyey shan fadhi oo ka mida kulamada Baarlamaanka.
