Monday, July 14, 2025

Xildhibaan Toogasho lagu dilay Caawa Magaalada Gaalkacyo & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan maamulka Puntland caawa lagu dilay Waqooyiga magaaladaasi.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdixakiim Daahir Macalin oo kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, waxaana Caawa toogasho ku dilay koox hubeysan oo weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa agagaarka Hotel Clasic ee magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale la dilay nin ilaalo u ahaa.

Wararka ayaa sheegaya Kooxdii dilka geysatay ay ka baxsaday, iyadoo  meydka Xildhibaanka iyo askarigii la socday la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana markaas kadib goobta gaaray ciidamada amniga oo baaris ka bilaabay.

Dilalka ka dhaca Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee hoos taga maamulka Puntland  ayaa waxaa inta badan sheegta kooxda Al-shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON