Sunday, July 27, 2025

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: “Baarlamaanka waa joogayaa Madaxdana waa la bedelayaa..”

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay inuu sharci darro ahaa Guddiga labada Aqal ee soo diyaariyey xeerarka dhammeystirka Doorashada, isagoo sheegay inay Guddiga ahaayeen oo kaliya taageerayaasha Nabad iyo Nolol.

Guddiga uu guddoomiyaha ka ahaa xildhibaan Ibraahim Yarow ayuu ku eedeeyay inaysan cidna la tashan oo kaliya ay talada ka qaateen Nabad iyo Nolol sida uu yiri, wuxuuna yiri: “Guddigan waxa uu keenay waa xaaraan.. cidna lama tashan.. Ma jirto cid ay la tashadeen oo aan Nabad iyo Nolol ahayn”

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa dembiga ay leeyihiin ragga maamulka haya xilligan ee ku guuldarreystay inay Dastuurka dhammeystiri waayeen, Doorasho gaarsiin waayeen dalka, Amniga dalka wax ka qaban waayeen, wuxuuna caddeeyay in la bedelo madaxda dowladda Federaalka, Baarlamaankuna sii joogo.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise- Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dowladii Sheekh Shariif

Wuxu ugu baaqay Baarlamaanka inuu awoodiisa garto oo cidda bedeli karta baarlamaanka hadda jira ay tahay Baarlamaanka ay shacabka soo doorteen oo kaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa dood kulul ka yeeshay Xeerka Qoondada Haweenka ee Doorashada Dalka, iyadoo qaarkood ay cabireen fekerkooda ku saabsan xaaladda dalka iyo Doorashada mugdiga badan ku jiro ee soo socota.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON