Saturday, July 12, 2025

Xildhibaan Zakariye: “Hay’adda NISA si sharci darro ah ayey ula wareegtay Drones aan ka keenay Turkiga..”

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji ooa ka mida baarlamaanka 10-aad ee Federaalka aya ku eedeeyay hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA inay degdeg ugu soo celiso diyaarado Drone ah oo ya kala wareegtay.

“Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa la-dagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay” ayuu yiri Zakariye oo qoraal kasoo saaray xaaladad Diyaaradaha Drone-ka ee lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wuxuu caddeeyay in Diyaaradahan ay shirkadda Hufan ugu talo-gashay la-dagaalanka iyo buufinta Ayaxa, Waraabinta Beeraha iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fataho, sida uu yiri.

“Waxaan ka codsaneynaa hay’adda NISA inay hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan looguna talogalay in loogu adeego beeraleyda Soomaaliyeed ay si degdeg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda Hufan” ayuiu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaan Zakariye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON