Mid ka mida haweenka xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka badbaaday qarax galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Gaari ay la socotay oo marayay agagaarka xaruntii C/qaasim ee Degmada Hodon, magaalada Muqdisho, waxayna ahayd miino lagu aasay dhulka.
qaraxa ka badbaaday ayaa lagu magacaabaa SamiiraXasan Cabdulle ayaa ka badbaaday Qarax Miino oo lala eegtay gaarigeeda oo marayay Wadada Taleex Dagmada Hodan Magaalada.
Ilaalada Xildhibaanadda ayaa la sheegay inuu dhaawac kasoo gaaray qaraxa, waxaana xaaladda ay ahayd mid kacsan oo ciidamada dowladda ay u gurmadeen goobta qaraxu ka dhacay.
Xaafadda Taleex ee degmada Hodon ayaa qaraxyo dhowr ah ku qaqbsadeen xildhibaanno iyo mas’uuliyiin dhowr ah oo intooda badan ka badbaaday weerarro iyo qaraxyo lala beegsaday.