Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaanada doonaya la-kulanka Madaxweyne Farmaajo oo Shuruudo yaab leh lagu soo rogay

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shuruudo adag  ku soo rogtay xildhibaanada doonaya inay la kulmaan madaxweynaha.

Maamulka Villa Somalia ayaa soo rogay in xildhibaana ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyaay buuxiyeen  Form loo diyaariyay xildhibaanada doonaya la-kulanka  Madaxweyne FMaxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa laga doonayaa inuu qoro xogtiisa shakhsiyadeed, arrimaha uu rabo inuu madaxweynaha kala hadlo oo faah faahsan iyo halka lagala soo xiriiri karo.

Xildhibaano badan oo doonayay la-kulanka Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay markii ay arkeen foomka loo diyaariyay, waxaan sii xumaanaya xiriirka labada dhinac oo markii horeba mugdi soo galay.

Qorshahan ayaa waxaa hore u hirgeliyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo keentay in xildhibaano badan ay olole ka dhan ah bilaabaan.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON