Kulankii Golaha Shacabka ee maanta waxaa hortegay wasiirka Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo su’aalo adag ay weydiiyeen xildhibaanada.
Kulanka waxaa soo xaadiray 152 xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), wuxuuna ajendaha maanta ahaa qorshaha xukuumadda ee dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.
Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa warbixin ka siiyay Baarlamaanka qorshaha xukuumadda Soomaaliya ku dooneyso inay ku dhisto Golaha Adeegga garsoorka, kaasoo muddo badan aan lagu guuleysan in la dhiso.
Wasiirka ayaa sheegay in qaab dhismeedka Guddiga uu diyaarsan yahay, isla markaana ay degdeg u dhisi doonaan Guddiga, isla markaasina uu socdo qorshihii arrintaasi ku saabsanaa, laakiin xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay inaan la dhisi karin Golahaasi duruufo jira awgeed.
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa ku dooday in xilligan aysan suuragal ahayn dhismaha Guddiga Adeegga garsoorka iyadoo marka hore aan la helin hay’adihii ka midka noqon lahaa.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa su’aal la keenay inuu hadda jiro Golaha adeegga Garsoorka oo magaciisa la adeegsado, wuxuuna wasiirka caddeeyay inuusan hadda shaqeynin.