Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan weyn oo casho iyo miyuusik isugu jira isugu yimid magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ay casuumaadiisa lahaayeen Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana ku sugnaa in ka badan 200 xildhibaan oo labada gole ah.
Khudbado ku saabsan xaaladda baarlamaanka, heeso ay qaadayeen kooxda Degaan iyo fanaaniin kale ayaa xafladaasi lagu kala tegay xilli danbe. waxaana la is weydiinayaan in xilligan ay ku habooneyd xaflad noocaasi ah iyadoo dalka ay ka jirto abaar ay dadku u dhimanayaan.
SAWIRRO
Goobjooge.com