Monday, July 14, 2025

Xildhibaanadii W/Bari Kenya ee socdaalka qarsoodiga ah ku tegay Muqdisho oo lagu qabtay Garoonka Nairobi

Xildhibaanno kasoo jeeda Gobolka W/Bari ee Kenya ayaa lagu qabtay garoonka magaalada Nairobi markii ay socdaal qarsoodi ah ku tageen magaalada Muqdisho, sida ay qortay warbaahinta dalka Kenya.

Ugu yaraan 8 xildhibaan oo kasoo jeeda W/Bari Kenya ayaa Booliska dembiyada culus iyo kuwa argagixiso la dirirka ee dalka Kenya, waxay saaka ku joojiyeen markii ay ka degeen garoonka Wilson ee magaalada Nairobi, iyadoo su’aalo laga weydiiyey ujeedada safarkooda ay ku tageen Soomaaliya.

Sida ay qortay warbaahinta Citizen ee dalka Kenya xildhibaannadan ayaa u duulay Muqdisho maalintii Sabtidii iyadoo dib ugu laabtay Nairobi subaxnimadii Axadda ee Saaka, waxayna wararka laga helay baarayaasha hay’adaha Amniga Kenya ay sheegeen inay heleen warbixin ku saabsan in xildhibaannadan ay martiqaaday Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA.

Xildhibaannadan kasoo jeeda W/Bari Kenya ee tegay magaalada Muqdisho ayaa welwel ku abuuray dowladda Kenya oo dooneysa inay ogaato qorshahooda xilli xiriirka dowladaha Somalia iyo Kenya uu sii xumaaday kadib khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Axmed Madoobe oo Kenya ay taageerto.

Waxaa kaloo xildhibaannadan wax laga weydiin doonaa inay safarkooda ku wargeliyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya, inuu ahaa safar gaar ah, mid shaqo iyo arrimaha ku xeeran, waxaana saaka in muddo ah su’aalo lagu weydiiyey garoonka Wilson oo ay tageen ciidamada dembiyada culus iyo baarayaasha Booliska ee argagixiso la dirirka qaabilsan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON