Tuesday, July 15, 2025

Xildhibaanadii waanwaanta ka waday Cadaado oo ku dhawaaqay Go’aan Culus & Digniin

Xildhibaannadii labada Gole ee waanwaanta ka dhex waday madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa war kasoo saaray xaalada wadahadalkii iyo dadaalkii ay u galeen inay xaliyaan khilaafka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo akhriyay war-saxaafadeed ay xildhibaannadaasi soo saareen ayaa sheegay inay dadaal ay u galeen si ay isugu soo dhoweeyaan labada dhinac, ayna isaga garaabeen.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in ay ka codsadeen labada dhinac inay ogolaansho siiyaan oo talada u dhiibteen xildhibaanadooda, taasoo uu aqbalay Madaxweyaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), balse ay diideen Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka ayna xal u arkeen inuu xilka ka dego Madaxweynaha.

Warka ay soo saareen xildhibaanadda labada gole ee waanwaanta ka waday magaalada Cadaado ayaa dowladda Federaalka uga digay inay joojiso faragelinta ay ku heyso Galmudug iyo qoraaladda ay kasoo saareyso Galmudug.

Xildhibaannada tegay Cadaado oo ahaa 11 ayaa intooda badan lagu sheegay inay la safan yihiin madxaweyne  Xaaf, halka kuwii dhinaca kala kasoo jeeday loo diiday inay tagaan magaalada Cadaado, taasoo xaaladda uga sii dartay.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

AKHRISO: Bayaanka Culus ee Xildhibaanadii dhexdhexaadinta ka waday Madaxda Galmudug [XASAASI]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON