Friday, June 27, 2025

Xildhibaanadii xilka ka qaaday C/kariin Guuleed oo xaalada adag soo wajahday [Wararkii ugu danbeeyay]

Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa xaalad adag ka soo wajahday magaalada Cadaado oo ay shirarkooda ku qabsan jireen.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamo maleeshiyo ay maanta ka hor istaagaan kulan ay ku yeelan lahaayeen xarun ku taalla magaalada Cadaado.

Ciidamo maleeshiyo ah oo ay sheegeen inaysan garaneyn cidda ay ka amar qaataan ayaa hor istaagay xildhibaanada Galmudug oo u diiday inay galaan, kuna shiraan xarunta Xero-madow oo ah goobta ay isugu imaan jireen.

Waanwaan ay xubno ka tirsan labada gole oo u tegay Cadaado inay dhexdhexaadiyaan khilaafka siyaasadeed ee Galmudug ayaan weli ku guuleysan inay xal u helaan xiisada siyaasadeed ee Cadaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON