Wednesday, August 6, 2025

Xildhibaanda ka horjeeda xukuumadda Kheyre oo Qorshe cusub u diyaariyay kulanka maanta

Wrarka laga helayo xildhibaanada ka horjeeda xukuumadda uu magacaabay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa sheegaya in qorshe cusub u diyaariyeen kulanka maanta ee Baarlamaanka.

Kulanka oo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Xasan Kheyre Brnaamijkiisa ka horjeedin doono golaha ayaa la sheegay inuu Ra’iisal wasaaruhu khudbadiisa ku ballanqaadi doono isbedel uu ku sameeyo Golaha isagoo tixgelinaya talo soo jeedinta ka timida xildhibaanada qaarkood.

Qorshaha cusub ee xildhibaanada diidan xukuumadda ayaa ah inay hakiyaan cod u qaadista uu doonayo Ra’iisal wasaare Kheyre inay isla maanta dhacdo, waxayna guddoonka ka codsan doonaan in la siiyo waqti ay ku soo akhristaan Barnaamijka xukuumadda, taasoo dib u dhigeysa kalsoonidii ay heli lahayd xukuumadda, waxaana ka go’an inay tallaabadani ku adkeystaan wax kastoo ay ku qaadato.

Wasiirada cusub iyo xildhibaanada taageersan ayaa iyaguna wada qorshe lidi ku ah midka xildhibaanda kasoo horjeeda iyadoo ay arrintu u dhici doono go’aanka uu qaato guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka C/weli Muudey oo guddoominaya kulanka maanta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON