Sunday, July 13, 2025

Xildhibaankii labaad ee Ahlu suna oo Baaq kasoo saaray khilaafka Galmudug, kana baxay taageerada ASWJ..

Xildhibaankii labaad ee ka mida xildhibaannada ay soo xushay Ahlu suna oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa qaatay aragti ka duwan madaxda Ahlu suna, isagoo ku baaqay in xal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan xildhibaannada ka yimid Galmudug ee ka maqan Baarlamaanka.

Xildhibaan Yaasiin Sheekh Maxamed oo ka mida Baarlamaanka galmudug ee garabka Ahlu Sunna aya saxaafadda kula hadlay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ugu baaqay guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo culimada Ahlu Sunna inay xaliyaan Khilaafaadka jira ee Baarlamaanka Galmudugoo ay eegaan danta Guud ee Galmudug.

Xildhibaankan ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ugu baaqay inuu sameeyo guddi xal degdeg ah ka gaara khilaafka, wuxuuna dalbaday in doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay xilligeeda ku dhacdo.

Hore waxaa xildhibaannada Ahlu suna soo xushay uga baxay Xildhibaan Shaacir Sheegow oo ku baaqay in danta guud laga hormariyo danta gaarka ah, kaasoo ah erey ay adeegsadaan xildhibaannada Ahlu suna soo xushay marka ay ka baxaan taageerada qorshaha Ahlu suna.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON