Xildhibaan Cabdi Shir Jaamac (Cayaar-jecel) ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee talo weydiista dadka si ay uga caawiyaan musharaxa uu codka siinayo tartanka madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa bartiisa Facebook soo dhigay farriin dadka uu wakiilka u yahay uga dalbanayo inay u codeeyaan musharaxa uu codka siinayo, isagoo taas sabab uga dhigay inuu wakiil u yahay.
FARRIINTA XILDHIBAAN CABDI SHIRE HOOS KA AKHRI
Waxaan ahay xildhibeen Cabdi Shire Jaamac, waxaan mar walba matalaa kana talo qaataa shacabka soomaaliyeed ee aan xil-dhibaha u ahay, waxaan qaataa kuna go’aan qaataa talooyinkooda. Sida aad la socotaan 8 February 2017 waxaa la dooranayaa madaxwaynihii dalka hoggaamin lahaa afarta sano ee soo socota.
Waxaa isa soo sharraxay mas’uuliyiin badan oo u taagan qabashada xilkaas aan filayana in aad magacyadooda warbaahinta ka hesheen. Hadaba aniga oo fulin doona go’aankijnna, yaad igula talinaysaan in aan siiyo codka aad ii wakiilateen ?
Waxaan kale oo idinka codsanayaa in aad iga caawisaan 3 qof oo iga caawisa tirinta codadka maadaama aan ku mashquulsanahay u diyaar garowga doorashada.
Mahadsanidiin.
Lama oga sida xildhibaanku barta FB uga garanayo dadka uu wakiilka u yahay maadaama xildhibaanada ay metelaan beel oo dadka beeshaasi ka soo jeedana aysan intooda badan adeegsan internetka, waxaase loo maleynayaa inay iska tahay arrin baraha bulshada loogu talogalay.
Goobjooge.com