Kulan ay maanta yeesheen xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayay ku ansixiyeen qodob aan ka mid ahayn shaqooyinka loo xilsaaray.
Dood la horgeeyay Aqalka sare oo ay wateen xubno kooban taasoo ku saabsaneyd inuu Aqlaka sare qeyb ka noqdo ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ayaa cod ay u qaadeen ay ku ansaxsadeen inay wax ka ansixiyaan Miisaaniyadda sanadka 2018.
Shirka oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad Abshir Bukhaari ayaa xubnaha Aqalka sare kadib codeyntaasi waxay sheegeen inay Xeer hoosaadkooda ku darayaan inay qeyb ka yihiin ansixinta Miisaaniyadda.
Arrintan ayaa salka ku heysa, iyadoo miisaaniyadii hore ee sanadkii 2017 aanay ku jirin kharash loo qoondeeyay Aqalka sare oo aan markaas dhisneyn, waxaan dib loogu daray lacag loo qoondeeyay Aqalka Sare, iyadoo dadka qaarkii ay aaminsanaayeen in mushaarka iyo kharashka Aqalka sare ay bixiyaan maamul goboleedyada soo dirsaday ee danahooda ay metelaan.
Aqalka sare ayaa isu bedelay mid howlan arrimo aan ka mid ahayn howlihii loo dhisay, isagoo ku dhex jira shaqooyinkii Golaha Shacabka, waxayna tani xaaladda dowladda federaalka ka dhigi doontaa mid cakiranta.