Sunday, June 29, 2025

Xildhibaannada Aqalka Sare oo isku khilaafsan Go’aankii dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World & Wararkii ugu danbeeyay

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa dood kulul ka leh maanta go’aankii uu Baarlamaanka Federaalka kasoo saaray shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta oo maamusha dekaddaha Berbera iyo Boosaaso.

Fadhigi labaad ee Aqalka sare kalfadhigiisa saddexaad ayaa maanta doodiisa ka bilaabatay xarunta Aqalka Sare, iyadoo la hor keenay Qaraarkii uuansixiyay Golaha Shacabka, waxaana dooda oo weli socota ay noqotay mid ay u kala qeybsameen senatoorada Aqalka Sare.

Qaar ka mida xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku dooday in Qaraarkan loo baahan yahay in dib loo eego, isla markaana aana lagu degdegin; waxayna soo jeediyeen in faahfaahin dheeraad ah logu yeero Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Imaaraadka ku sugnaa markii heshiiska Dekadda Berbera la saxiixay.

Xildhibaano kale ayaa ku dooday in xeerka lagu mamnuucay shirkadda DP World dib loogu celiyo Golaha Shacabka oo dhinacooda aanu mari karin, waxaana al filayaa in cod loo qaado, iyadoo xaalada ka dhalatay heshiiska DP World ay hareysay hay’adaha dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON