Xogheynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay dirtay farriimo iska horjeeda oo ku saabsan fadhigii la filayey inuu maanta yeesho Golaha Shacabka oo ugu danbeyn la baajiyey.
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa farriintii koowaad ay u soo dhacay xalaty fiidkii, taasoo loogu sheegay inuu jiro fadhigii Golaha, waxayna u qorneyd sida soo socda: “Mudane Xildhibaan Beri oo Isniin ah Tar. 23 Dec waxaa jira Kulan weynihii Golaha. Agendaha: U Codeynta H/Sh Maaraynta & Maamulka Maaliyadda, U Codeynta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Akh3aad ee H/Sh Doorashooyinka”
Mar kale ayey haddana farriin kale heleen xildhibaannada, waxayna farrintii labad ahayd: “M.ne Xil Saxitaan – Raali Ahow: Akhinta 3-aad ee Hinside Sharciyeedka Doorashooyinka cilad farsamo awgeed waa laga saarey Agendaha bari..”
Muddio yar kadib ayaa haddana farriin kale loo diray xildhibaannada, taasoo ahayd: “Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah Tar. 23 Dec ee loo balansanaa waa baaqday..”
Lama oga waxa qabsaday guddoonka Baaralmaanka ee keenay in saacad gudaheed ay saddex go’aan ka qaataan fadhiga maanta oo muhiim ahaa, iyagoo ay hore u shaaciyeen in maalin kasta Baarlamaanku shaqeyn doono si loo ansixiyo sharciga Doorashooyinka.