Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa sheegay inuu ka howlgalay arrinta xariga Sheekh Mukhtaar Roobow oo dowladda Soomaaliya u xiran muddo sanad ka badan.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in isla markii xilka loo doortay uu u tegay Mukhtaar Roobow, lana sheekeystay, xaaladiisana ka wareystay, wuxuuna intaas ku datay inuusan xirneyn Sheekh Mukhtaar Roobow oo ee uu joogo Guri lagu ilaaliyo, balse ay ka maqan yihiin xoriyadihiisii kale ee dhaqdhaqaaqa.
“Arrinta Mukhtaar waan ka howlgalay markii la i doortay waan u tegay, xaaladiisana waan kala sheekeystay.. Ma xirna Mukhtaar, Guri ayuu joogaa, waxaa u dhiman xoriyadiisii dhaqdhaqaaqa, iyadana waan ka shaqeyneynaa inuu dib u helo..” ayuu yiri Madaxweynaha K/Galbeed oo wareysi siiyey Telefishanka Somali Cable.
Mar la weydiiyey sidii u arko in magaciisa lagu tilmaamo qof waliba oo dowladda Soomaaliya ay wadato ayna dooneyso inuu kasoo baxo maamul Goboleedyada ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in hebel-gareen la isku tilmaamo ayna muujineyso inuu yahay wadani, iyadoo hore madaxda Soomalida ay wadan jireen dalal deris ah iyo kuwo shisheeye.