Thursday, June 26, 2025

Xildhibaannada Baarmaanka oo galay Fasax 2 Bilood ah & Kalfadhigii labaad oo la xiray [Sawirro]

Kalankuii ugu danbeeyay ee kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka ay yeesheen ayaa la soo xiray iyadoo Xildhibaannada Baarlamaanka ay galeen fasax laba bilood ah.

Shirkii maanta Waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Mudanayaasha Kulankaan Soo xaadiray ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 173 Mudane, iyadoo ajendayaasha ay kala ahaayeen:

1. Soo bandhigidda Warbixinta Guddiga Dastuurka ee BFS
2. Warbixinta Guud ee Howlqabadka Kalfadhiga 2-aad ee Golaaha Shacabka
3. Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka u abbaaran Hakinta Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka

Mudanayasha ayaa loo qeybiyay Ajendayaasha kulankii maanta, iyadoo kulanka warbixin ay ka jeediyeen Guddiga Dastuurka oo ka hadlay halka uu marayo Arrimaha Dastuurka. Intaas kadib ayaa waxaa mudanayaasha Golaha Shacabka loo qeybiyay Warbixinnadii iyo waxyaabihii u qabsoomay inta lagu guda jiray kalfadhiga 2-aad ee golaha Shacabka, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Galay fasax 2 bil ah iyagoo dib u soo laaban doona bisha Maarso sanadka cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hadal jeedin ka hor sameeyay Xildhibanada hortooda asagoo uga mahad celiayay Sahqadii ay soo qabteen sidoo kalena ku booriyay in la dar dargaliyo Howlaha kale ee horyaalla. Baarlamaanka ayaa dib u furmi doona aakhirka Bisha Febraayo 2019.

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: 5 people, people sitting and indoor

Image may contain: 8 people, people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON