Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo diiday Ajendihii la hor keenay iyo Buuq hareeyay…

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka hor yimid Ajendaha fadhigii maanta oo ka mida kalfadhiga 7-aad, kaasoo ku saabsanaa: Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Furitaankii shirka kadib markii ay Guddoonka isku dayeen inay ansixiyaan Ajendaha ayaa waxa fadhiga ka hadlay xildhibaanno sheegay in Mashruucaan Hindise Shaciyeedka la hor keenay Baarlamaanka uu ka horjeedo DiintaIslaamka iyo dhaqanka Suuban ee dadka Soomaaliyeed, iyagoo dalbaday in dib loo celiyo sharcigaasi.

FAdhiga maanta ayaa kusoo dhamaaday iyadoo aan la furin ajendihii Sharciga muranka dhaliyey, waxayna xildhibaanno badan sheegeen inay tahay wax aan u cuntamin Baarlamaanka inuu xilligan ka doodo arrimo la xiriira [GALMO].

Guddoomiya ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa sheegay inaay sharciga Dembiyada la xiriira Galmada dib loogu celineynin xukuumadda balse uu sixitaan ka rabo xildhibaannada Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON