Sunday, July 13, 2025

Xildhibaannada iyo Kulanka Casho-sharafta Madaxtooyada (Ra’iisal wasaare cusub oo..)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa casho sharaf kula leh xarunta Madaxtooyada xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Casho sharafta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo Shirkii Golaha Wadatashiga maanta usoo dhammaaday, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee xildhibaannada casumaad ku tagaan Madaxtooyada intii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa lagu sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu caawa ku dhawaaqi doono Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, inkastoo aan arrintaasi si buuxda loo xaqiijin, iyadoo casuumada loo qorsheeyay in lagu soo xiro shirkii Golaha wadatashiga Qaran, ayna goobjoog ka noqdaan xildhibaannada labada aqal.

Saddex maalmood oo qura ayaa u hartay madaxweyne Xasan Sheekh inuu soo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub, iyadoo muddo bil ah ay uga dhammaaneyso 14-ka Bisha June 2022.

Saddex magaca ayaa la hadlayaa in midkood uu noqon doono Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana ka mida madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON