Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda degaanada Somaliland ayaa ka hor yimid Guddi uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo arrinta Markab xoolo ka qaaday dekadda Berbera oo lagu xayiray Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayay xildhibaannadan ka sheegeen inay dadaal u galeen sidii xal loogu heli lahaa arrinta Markabka, waxayna ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo intii uu xilka yimid inuu culeys gaara saaray degaanada Waqooyi, sida xayiraad lagu soo rogay qoondeyntii gaarka ahayd ee Somaliland , taasoo keentay dhibaatada.
Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ee hadda jirta inay gaartay inay siyaasadeyso arrimaha bani’aadaminada iyo ganacsiga, iyagoo ugu baaqay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay dib uga noqoto cadaadiska uu ku hayo maamulka Somaliland.
“Sidii uu Farmaajo xilka u yimid,,,, waa ognahay wixii ka dhacay maamul Goboleedyada , waxaan oran laha madaxweyne sidii lagu moodayey waa nqoon weyday, xilka waad ku fashilantay.. waxaa fiican inaad is casisho,, Umadda Soomaaliyeed wixii aad tahay waa ku ogaatay..” ayuu yiri xildhibaan Axmed Maxamed Sheekh oo ka mida xildhibannada kasoo jeeda Somaliland.0
Xildhibaanadan waxay sheegeen inaysan waxba ka jirin sheegashada ah in dowladda Farmaajo ay sii deysay Markabkii lagu xayiray Dekadda Jiddah, waxayna sheegeen in Markabkaasi uu Sacuudiga sii daayey oo wax lala yaabo ay tahay in Farmajo looga mahadceliyo arrintan, waxayna ka hor yimideen Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee dib u heshiisiinta Somaliland.