Tuesday, June 24, 2025

Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari oo Go’aan cusub soo saaray & Xaalada Mooshinka

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Muqdisho soo saaray go’aan csuub.

Xildhibaanada ayaa ka hadlay kulankii ay maanta yeesheen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka iyagoo sheegay inuusan guddoomiye u ahayn Baarlamaanka Mudane Jawaari inta mooshinka ka yaalla uu meel u dhacayo, waxayna sheegeen in guddiga joogtada ay sharci darro tahay inay mooshin ka hadlaan ama go’aan kasoo saaraan.

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka hadlayay wixii maanta ka dhacay  kulankii Guddiga Joogtada ah ayaa sheegay in Mudane Jawaari uu mar kale ku xadgudbay sharciga Baarlamaanka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ay sharci darro ah in mooshin laga keenay guddoomiye Baarlamaan ay guddi joogto ka dooraan ama furaan.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in laga been abuurtay xildhibaanadii mooshinka Jawaari saxiixay oo iyagoo jooga la sheegay inay ka laabteen, waxayna caddeeyeen in Mooshinkoodu socdo, isla markaana ay ku socon doonaan inta ay ka xaqiijinayaan doorashada guddoon cusub.

Galabta ayaa Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka waxay shaaciyeen in mooshinka uu jabay markii ay ka noqdeen 16 xildhibaan kooramkii laga rabayna uu gaari waayey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON