Xildhibaanada shacabka ayaa kulankooduu maanta uu ka furmay xaruntooda Muqdisho ayaa bilaabay ka doodista kiiska C/kariin Qalbi dhagax.
Waxaa kulanka maanta soo xaadiray 178 Xildhibaan, Guddoonka Baarlamaanka oo kulanka furay ayaa bilaabay arrinta Qalbi dhagax oo xildhibaanno gaaraya 52ay isu qoreen inay ka doodaan go’aanka xukuumadd Soomaaliya.
Xildhibaannada kulanka ka hadlay waxaa ka mida ahaa C/rashiid Maxamed Xiddig oo Xukuumadda u soo jeediyay in go’aankaas ay ka laabato, kuna tilmaamay mid khalad ahaa oo meel uga dhacay muwaadinka Soomalaiyeed.
Xildhibaan Mahad Maxamed ayaa iska ku eedeeyay xukuumadda inay muwaadin Soomaaliyeed u dhiibto dal shisheeye, isagoo sheegay inay sharci darro tahay.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa ku kala aragti duwanadaay, halka Fiqi uu sheegay in go’aanka uu yahay mid lagu degdegay.
Dooda xildhibaanada ayaa si habsami leh u socota iyadoo ay ka dhex muuqdaan sida xildhibaanada ugu kala aragti duwan yihiin arrintan oo muddo badan murankeedu taagnaa.
Qorshaha ayaa ah marka ay dhammaato doodaha xildhinaanada in kiiska loo xil saaro Guddiga joogtada Golaha shacabka, kaasoo go’aan ka gaaraya arrinta kuna soo celin doona Baarlamaanka.
LA SOCO FAAHFAAHINTA..