Sunday, September 28, 2025

Xildhibaannada taageersan C/weli Muudey oo dhoolatus taageero muujin ah kusoo dhoweeyay…

Guddoomiya ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia C/weli Ibraahim Muudeey ayaa maanta si dhoweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku soo laabtay dalka.

Xildhibaannada taageersan Muudey ayaa isugu tegay garoonka Muqdisho iyagoo taageero u muujiyey, soona bandhigay tiradooda, waxaana hor kaceysay wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye .

C/weli Muudeey uu ku maqnaa safar dalka Turkiga ah, waxaana intii uu maqnaa suuqa lasoo geliyey in mooshin xil ka qaadis ah laga diyaarinayo, kaasoo ay riixayaan taageerayaasha madaxweynaha, abaabulkiisana uu wado agaasime ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin.

Xildhibaanno ku dhow 50 ayaa isugu tegay Garoonka Muqdisho si ay usoo dhoweeyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo halis uga imaaneyso madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaashiisa.

DAAWO SAWIRRADA


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON