Xildhibaanada taageersan Guddoomyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee la baxay Badbaadada Baarlamaanka ayaa shir jaraa’id oo ay goor dhoweyd ku qabteen Xarunta Villa Hargeysa ka sheegay inay ka digayaan kulanka baarlamaanka ee uu Berri ku dhawaaqay Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey.
Xildhibaannadan ayaa sheegay in la doonayo in guddoomiye Jawaari si aan sharci ahayn oo gacan-taag ah xilka looga qaado, waxayna caddeeyeen in waanwaantii oo socota maanta uu farriin soo diray guddoomiye ku xigeenka koowaad oo ku baaqay shirka Berri.
Xildhibaanadda taageeraya guddoomiye Jawaari ayaa ka digay ciidamo ay sheegeen in caawa lagu daabulayo xarunta Baarlamanka oo laga dhigay xarun ciidan, iyagoo xaaladda ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Xildhibaan Fowsiya Maxamed Sheekh oo u dhow Gudodomiye Jawaari ayaa sheegtay in fadhiga Beri ujeedkiisu yahay in Sahrciga la burburiyo oo gacan taag laga dhigo cod qaadista, iyadoo ugu baaqday inay shacabka kacaan.
Xildhibaan Xasan Cabdi (Xasan Yare) ayaa isna in qaabka wax ku socdaan ay ku imaan karto madaxweynaha inuu maro jidka la doonayo in la mariyo Gudoomiye Jawaari, wuxuuna sheegay inay madaxweynaha ka codsadeen in codka uu noqdo Sanduuq.
Xildhibaannada taageersan Jawaari oo habeen barkii qabta shirar jaraa’id ayaa wajahaya xaalad adag oo ku saabsan shirka Berri oo u muuqda in aan la baajin karin qaab kastoo xil ka qaadista guddoomiye Jawaari loo dhigo.