Mid ka mida wasiiru dowleyaasha xukuumadda Soomaaliya oo dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ayaa halis la geliyay sharcinimada doorashadiisa.
Qoraal safiirka Mareykanka ee Soomaaliya u diray madaxweynaha Galmudu ayaa lagu sheegay in Mahad Salaad uu ku soo baxay doorasho sharci darro ahayd kadib markii ay doorteen ergo uu isagu qortay oo ku bedelay liiskii saxda ahaa, isagoo soo xushay dad ka mida ehelkiisa, Shaqaalihiisa iyo Ilaaladiisa.
Qoraalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Haweeneydii la tartami lahayd laga celiyay inay gasho Hoolka Doorashadda.
Eedeymaha Mareykanka u jeediyay Wasiir Mahad Salaad ayaa xaalad cabsi ah ku dhalisay kooxda Damjadii iyo taageerayaasha madaxweynaha, waxaana la sheegay in dacwad lagu soo oogay kursiga Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ay keeni karto in dib loogu laabto kursiga oo waxba kama jiraan laga soo qaado doorashada Mahad Salaad.
Goobjooge.com