Sunday, July 13, 2025

Xildhibaanno Fowdo ka bilaabay Shirkii Baarlamaanka, & kulankii oo fowdo ku dhammaaday (Daawo)

Qaar ka mida xildhibannada Baarlamaanka ayaa bilaabay buuq iyo fowo hareysay fadhigii Baarlamaanka oo maanta balansanaa in looga doodo xaaladda amniga dalka, iyagoo ay ku sugan yihiin Wasiiro iyo taliyeyaasha ciidamada.

Waxay xildhibaannadu isku qabteen in kulanku noqdo mid saxaafadda banaanka loo saaro oo ah kilan xiran iyo inay goobjoog ka ahaato, waxaana loo qaaday cod acan taag ah si loogu kala baxo.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynt oo noqotay in 104 Xildhibaan u codeeyeen in kullanku noqdo mid xiran, halka ay 42 u codeeyeen inuu noqdo kulan furan saxaafadu joogto, wxaana ka aamusay 20 Xildhibaan

Codkaas lagu kala baxay kadib ayaa waxaa kulanka hareeyay buuq iyo fowdo markii xildhibannada ka horjeeda xukuumadda ay isugu tageen fadhiga guddoonka oo ay fowdo bilaabeen iyagoo ku hanjabay inay ka baxayaan kulanka haddii aan saxaafadda loo ogolaan.

Fadhiga ayaa socon waayey, taasoo keentay in guddoomiye Mursal soo xiro kulankii maanta oo buuq iyo fowdo kusoo dhammaaday.

https://www.facebook.com/Goobjooge/videos/320180395362204/

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON