Xisbiyada Wadajir, Daljir, Kulan iyo Madasha Horusocod ee Xildhibaano ka tirsan labada Gole ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku dalbadeen in shaqada laga joojiyo saraakiisha sare ee NISA.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lagu raadinayo cadaalad ay helaan 6-dii askari ee ee lagu dilay weerarkii 17-kii bishii December ay ciidamo ka tirsan NISA ku qaadeen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo sidoo kale la sheegay inuu ahaa xarun xisbi.
Saraakiisha ay dalbadeen in shaqada laga joojiyo si dacwad loogu qaado ayaa waxaa ka mida taliyaha KMG ah ee NISA, taliyaha NISA ee G/Banaadir iyo saraakiil kale, iyadoo sidoo kale dalbaday in shaqada laga joojiyey Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo Xeer ilaaliyaha Axmed Cali Daahir.