Monday, June 23, 2025

Xildhibaanno ka baxsaday Maamulka Jubbaland oo gaaray Magaalada Muqdisho, kana hadlay Xaaladda Kismaayo

Xildhibaanno ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ka baxsaday magaalada Kismaayo, kadib markii ay naftooda u cabsadeen, waxayna ka hadleen xaalad cabsi ah oo kasoo wajahday.

Ilaa afar Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland ayaa tegay Magaalada, iyagoo qaarkood soo maray magaalada Nairobi kadibna tegay magaalada Muqdisho, waxayna shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen inay inay kasoo cararreen Magaalada Kismaayo, kadib markii handadaad ay kala kulmeen madaxda Jubbaland.

Xildhibaan Khadiijo Aadan Cabdi oo ka mida Xildhibaanada tegay Muqdisho ayaa shir jaraa’id ka sheegtay inay nafteeda kala soo baxsatay magaalada Kismaayo, waxayna faahfaahin ka bixisay dhibaatada ka taagan magaalada Kismaayo iyo sida kooxda Axmed Madoobe ugu takri fashay awoodda.

Sidoo kale saddex xildhibaan oo kale ayaa la sheegay in magaalada Kismaayo laga soo masaafuriyay, ayna ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON