Monday, June 23, 2025

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo eedeyn kulul u jeediyay Xoghayaha Baarlamaanka

Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyey xoghayaha Golaha Baarlamaanka C/kariin  Buux oo shalay soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu jabay Mooshinkii laga keenay Madaxweyen Farmaajo.

Xildhibaan Aamina Xasan ayaa sheegtay inaysan sax ahayn in xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux uu soo saaro warqad uusan sharciyad u lahayn “Waxa uu sameeyay xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Buux waa gef wayn oo ah in lagula xisaabtamo, warqadda Mooshinka waxaa ka hadli kara Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo ku saxiixan qabashadeeda, mana jirto cid kale oo ka hadli karta sida Sharciga ah” ayay tiri xildhibaan Aamnia.

Waxay sheegtay in Xoghayaha uu yahay  ‘Adeege Golaha Shacabka ah’ laakiin uu hadda xadgudbayo shaqadiisa’ Waxaan wada og nahay in uu xoghayuhu yahay shaqaalaha Golaha Shacabka waana khalad ayee tiri haddii uu u hadlo sida Guddoomiyaha Golaha Shacabka waliba isaga oo aan xitaa ahayn xildhibaan qaran.”

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil oo ka tirsan xildhibaannada Mooshinka Madaxweynaha  wada ayaa sheegay inay tahay arrin aan la qaadan karin warqadda uu soo Saaray xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ee ku aaddan in uu burburay Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo laga keenay “Waa arrin ugub ku ah Golaha Shacabka in xoghayaha Golaha uu war intaa la eg ee uu ku saxiixan yahay soo saaro mana ahan wax sharci ah, waxaan u xaqiijinayaa shacabka in aysan ku wareerin qoraalka qaladka ah ee ka soo baxay Cabdikariin Buux, oo ah mid aan sharciga meelna ka waafaqsanayn.”

Xildhibaan Cabdifitaax waxa uu qabaa aya sheegay in Xoghaye Buux ay cadaadis ku hayaan madaxda dowladda ” xoghayaha Golaha waxaa cadaadinaya Madaxweynaha iyo Raiisul-Wasaaraha oo ku tumanaya sharciga iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka lakiin kama yeeli doonno”

SourceKalfadhi

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON