Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor yimid go’aankii uu guddoonka Baarlamaanka ku laalay warbixintii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.
Koox xildhibaanno ah oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka horjeedaan go’aankii uu Sabtidii hore uu Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ku diiday in dib dambe Golaha Shacabka loo horkeeno Warbixinta Miisaaniyadda 2018-ka ee ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga Maaliyadda.
Xildhibaan Cabdifitaax Ismaaciil Daahir ayaa suxufiyiinta u akhriyey qoraal ay soo saareen xildhibaannadaasi, wuxuuna sheegay iney ka walaacsan yihiin sababta uu Shir guddoonkii Golaha ee Sabtidii u laalay War-bixinta Miisaaniyadda 2018-ka.
Waxaa kaloo xildhibannadan oo u badan mucaaradka dowladda ay sheegeen inay ka xun yihiin in sababo aysan ogeyn uu maanta loo baajiyey kulankii Golaha Shacabka oo ee balansanaa.