Xildhibannada Mucaaradka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la baxay Kutlada Badbaado Qaran ayaa soo saaray qoraal ay Sharci darro ku tilmaameen Garsoorayaasha uu dhpwaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal kasoo baxay xildhibanada Badbaado Qaran ayaa lagu caddeeyay in Madaxweyne Farmaajo uu 24 ka Disembar magacaabay Afar Garsoore, iyadoo tirada Garsoorayaasha Maxkamadda sare ka dhigtay 10 Garsoore, balse tirada sharciga ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay tahay 9 Garsoore oo kaliya.
Waxay magacaabidda Garsoorayaasha ku sheegeen inay tahay sharci darro, waxayna ku doodeen inaan loo marin habraaca ku cad Dastuurka dalka, iyadoo sidoo kale sharci darro ku tilmaamay magacaabidii Guddoomiyaha xilligan ee Maxkamadda Sare.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA