Xilhibaano ku heyb ah taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ayaa la kulmay weerar culus iyo ceebeyn markii ay xalay shir jaraa’id ku qabteen maqaayad ku taalla madaxtoyada.
4 xildhibaan oo mid ka mida uu tegay xaafadda Shiirkole ayaa shirkaasi jaraa’id kasoo muuqday, iyadoo ay soo abaabushay Madaxtooyada, waxayna difaaceen Madaxweynaha xillgiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisal wasare Maxamed Rooble, iyagoo wax aan jirin ku tilmaaay wararka sheegaya in la weerrarayo Jen. Saadaq Joon.

Wasiirka Amniga Galmudug Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa jawaab kulul oo uu xildhibaannadaasi u diray ku yiri: “Halgamayaasha Shiirkoole waxaa ka raalli gelinayaa xildhibaanada walaalaha ah ee hiilkii ay u baahnaayeen markii ciidamadu dul fadhiyeen ka gaabiyey, ee aan haddana intaas ku ekaan”.

“Waxaa meeshii weerarka Shiirkole laga soo go’aamiyey meel aan sidaas uga dheereyn shir jaraa’id ku camirtay dhowr xildhibaan oo isku dayey in ay isku aadiyaan eed aysan lahayn ayagu, ku hadlaan af aan kooda ahayn, ayna isaga qaldantay qadiyadda dadeed iyo difaaca taliska waqtigu ka dhamaaday ee Villa Somalia. Waxaan xildhibaanadaas si walaaltinimo ah ugu soo jeedinayaa in ay falkoodaas ka cudurdaartaan, ayna iska ilaaliyaan ficilada noocaas ah” ayuu ka mid ahaa ajwaabtii Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa isagu jawaabtiisa oo ahayd mid fadeexeyn ah ku yiri: “Xildhibaanada Farmaajo xalay kasoo dhex hadlay ee afarta sano uu biilka siinayay walina u heysta in uu nool yahay ama uu ka matajin karo wixii ay ka cuneen hadii ay warkiisa diidaan walaaleyaalow haloo cudurdaaro. Sababtoo ah dadna Farmaajo ayaa u ah duunyana waa mida ay gacantiisa ka sugaan.”

Waxaa kaloo xildhibaannada kasoo jeeda Beesha Jen. Saadaq Joon ee taageersna Farmaajo weerar culus ku qaaday Xildhibaan Cabdi-saabir Shuuriye. “Waxaan dhagaystay Xildhibaano sxbadeey ah oo aan Habargidir isla nahay oo caawa madaxtooyada laga wacay loona soo dhiibay inay noo jawaabaan raggeenii Shiirkole u jooga difaaca dadkooda ayagoo ka soo hadlaya maqaayadda Gobsoor oo ku dhex taala Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Jawaab kale nagama mudnidin oo inaan idinku masquulno ma doonayo Farmaajo ayaa shaqo nooga baahan lakin waxaan idin leeyahay haka so hadline Villa Somaliya ee imaada Shiirkole oo u sheega dadka aad leedihiin waa u tureynaa waxaad Villada ka soo sheegaysaan. Xaaladda caawa waa reer Shiirkole iyo Farmaajo, waxaadna doorateen Farmaajo oo waqtigiisu dhamaaday, waxaana ilaahey mahadiis ah inaad is caddeyseen oo aadnaan umadda u dhuuman .Barasho wanaagsan markale.”

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo aanay jawaabtiisu soo daahin ayaa isna jawaabtiisa kusoo koobay: “Farmaajo markii kulaylku gaaro waxa uu ka soo dhax hadlaa kuwa dad kuu xiga.Xalay kuwo aan qaraaba nahay ayuu ka soo dhax hadlay, Haddii ay dadka matalaan may meesha ay dadku joogaan ka so dhax hadlaan waa kuwa ina Farmaajo agtiisa laga so shidaaye sida cajalade.Nafeey nin ku doono ku waa aan maqli jiray!Abdirahman Abdishakur Warsame waxa uu dhihi jiray siyaaasadda muufaysiga!”