Wararka laga haleyo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo maanta shir halkaasi ku yeeshay ay ku dhawaaqeeen inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle.
Wararka ayaa sheegay in kulanka oo uu guddoomiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ay codka kalsoonida kala noqdeen 47 xildhibaan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee maamulka Galmudug ee doorta Xaaf.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo dhowaan magaalada Dhuusamareeb xildhibaanno ku sugan ay sheegeen inay xilka laga qaadeen ayaa isna Cadaado uga dhawaaqay galabta in xilkii laga qaaday madaxweyne Xaaf, iyadoo la sameynayo guddi doorasho oo soo qabanqaabinaya doorashada madaxweyne cusub oo Galmudug yeelato.
Galmudug ayaa hadda u kala jabtay laba maamul oo qarka u saaran inay laba madaxweyne iyo laba baarlamaan yeeshaan.