Xildhibaanno cusub oo ku soo biiray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu dhaariyay munaasabadda furitaanka kalfadhiga saddexaad ee labada aqal ee Baarlamaanka.
Saddexda xildhibaan oo dhowaan soo buuxiyey kuraas ka bannaanaa Golaha shacabka ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Dugsiga sar ee Booliska Muqidsho oo uu ka furmayo Kalfdhiga 3aad ee Golaha shacanka Soomaaliya.
Xildhibaannada dhowaan la doortay ee la dhaariyay waxay kala yihiin:
1- Xildhibaan Fatxi Siciid Xasan oo ka soo jeeda Somaliland
2- Maxamuud Cabdullahi Sheekh Siraaji oo ka soo galay Jubaland
3- Nuur Iidow Beyle oo ka soo galay Hirshabeelle isagoo kursigii Taliyihii hore ee Nabadsugidda Soomaaliya (Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe).
Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay Xildhibaannada saddexda ah ee maanta ku biiray Golaha shacabka.