Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in laga sameeyay been abuur ka laabasho Mooshinkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Xildhibaanadan ayaa ku eedeeyay guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad inay ku been abuurteen oo ay sheegeen inay ka laabteen mooshinka kalsooni kala noqoshada Guddoomiye Jawaari.
Kulankii Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka maanta ka yeeshay Mooshinka Jawaari ayaa lagu soo bandhigay qoraalo ay ku saxiixnaayeen 16 xildhibaan oo sheegay inaysan ku jirin oo ka baxeen mooshinka intii aan la saxiixin, taasoo keentay in mooshinka ay ku soo haraan 91 xildhibaan oo hal xubin uu ku waayo inuu kooramkii laga rabay buuxiyo.
Arrintaas kadib ayaa waxaa soo baxay xildhibaanno garaya ilaa 6 oo sheegay inaysan waxba ka jirin qoraalada ay sameeyeen Jawaari iyo Mahad Cawad isla markaana ay ku taagan yihiin mooshinka.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa la sheegay inuu dib u soo nooleynayo mooshinka, kadib markii ay dacwad uga timid xildhibaannada lagu sheegay inay ka baxeen mooshinka ee ku doodaya in lagu been abuurtay.
Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaanadda ayaa xilligan wajahaya qalalaase siyaasadeed shacabka oo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho madaxda sare iyo hay’adaha dowladda.