Wednesday, July 2, 2025

Xildhibaanno taageersan Madaxweynaha oo kulan gaara la yeeshay & Qodob Xasaasi ah oo laga hadlay

Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa xalay kulan gaara la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda Doorashada, waxayna xildhibaannada oo si gaata u taageersan qorshaha Madaxweynaha ee Doorasho Qof iyo Cod ah ay Madaxweynaha ka dalbadeen inuu ku adkeysto mowqifkiisa, isla markaana aanu qeyb ka noqon shirka Dhuusamareen ee madaxda Maamul Goboleedyada ama uu ka hortago Doorasho dadban oo mar kale dalka ka dhacda.

Sida laga soo xigtay Xildhibaannada shirka ka qeyb galay wuxuu Madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu ilaalin doono Dastuurka iyo Sharciga Doorashada, isla markaana aanu aqbali doonin doorasho aan ahayn Qof iyo Cod, wixii uu kala soo kulmo shirka Dhuusmaareeb-na uu ku soo celin doono Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa olole weyn ugu jiray Doorasho Qof iyo Cod ah, taasoo hoos ku wadata muddo kordhin loo sameeyo dowladiisa, waana qodobka ugu adag ee ay diideen madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaare Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON